Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay magaalada B/weyne.

0
443

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xalay fiidkii magaaladaasi lagu dilay mid ka mid ah Oday dhameeyada caanka ah magaaladaasi, kaas oo markii la dilayey la sheegay inuu ku sii jeeday masaajid ka agdhawaa xaafaddiisa, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo ku hubeysnaa bastoolado.

Sida warku sheegayo nadoonkan ayaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag, waxaana lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed Isqaaq {Aadan Bile}, waxaana la sheegay inay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo markii ay dilka geysteen ka dib goobta ka baxsaday.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtii lagu dilay oday dhaqameedka waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya, kuwaas oo baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen la sheegay inay ku qabqabteen dad badan oo ay ku jireen odayaal iyo dhalinyaro, waxaana la sheegay in dadkaasi qaarkood la sii daayey ka dib markii la geeyay saldhigga magaalada B/weyne.

Ma jirto cid sheegatay dilka loo geystay oday-dhaqameedkaasi ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana dilkiisa ka hadlay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka geystay, wuxuuna intaasi ku daray in markii uu dilku dhacay ka dib ay bandow ku soo rogeen xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale warar iyaguna naga soo gaaray xerada IFO ayaa waxay sheegayaan in xalay xeradaasi saqdii dhexe lagu dilay labo wiil oo isla dhalatay iyo gabar dumaashidood ah, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkaasi geysatay iyo sababta loo dilay midna, waxaana muddooyinkii dambe xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ku soo badanayey dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayid ah.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisgo,Soomaaliya.