Xarakada Al-Shabaab Oo Uga Digay Dowladda Ingiriiska Inay Sheekh Abu Qataada Al-Falastiini U Gacan Geliso Dowladda Urdun

0
102

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xarakada  Al-Shabaab ayaa maanta bayaan ay soo saartay lana soo dhigay barta ay ku leedahay Aalada Twitter-ka waxay Dowladda Ingiriiska uga digtay inay fuliso go’aan dhawaan kasoo baxay oo ahaa in Sheekha Caalimka ah ee Abu Qataada Al-Falastiini ay u dhiibi doonto wadanka Urdun, arinkaas oo ay Xarakadu ku tilmaamtay mid halis ah.

War Saxaafadeedkaani Oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada  Al-Shabaab kuna qornaa Luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriisku ay sanado fara badan cadaadis iyo Xabsi ku haysay Sheekha  iyada oo aan haba yaraatee wax dambi ah oo lagu soo eedeeyay aysan Jirin, iyadoo Sheekha laga mamnuucay inuu si xornimo ah uga hadlo aragtidiisa ama uu Muxaadarooyin u jeediyo dadka Mulismiinta ah Ee Ku Dhaqan Halkaasi.

Xarakada Al-Shabaab  ayaa sheegtay in Dowladda Ingiriiska hadii aysan u dulqaadan Karin hadallada xaqiiqda ku salaysan ee uu Sheekha Muslimka ah ku cabirayo aragtidiisa Islaamiga ah laga doonayo inay Sheekha u ogolaato inuu si ikhtiyaarkiisa ah ku aado mid ka mid ah wadamada Islaamka, gaar ahaan kuwii ay dhawaan ka dheceen kacdoonadii ay sameeyeen dadka Muslimiinta

Xarakada  Al-Shabaab ayaa ugu dambayntii uga digtay Dowladda Ingiriiska inay kusii adkaysato go’aankeedii ahaa inay Sheekh Abu Qataada Al-Falastiini u dhiibayso Wadanka Urdun, iyadoo sheegtay in Ingiriisku qaadi doono cawaaqib-xumada ka dhalata dhibaatada Sheekha soo gaarta taas oo saamayn doonta danaha ammaan iyo kuwa dhaqaale ee ay leeyihiin dadka Ingiriiska ah.

Arinta Sh.Abu Qataada Al-Falastiini ah oo ah Caalim si weyn looga yaqaano wadamada Muslimiinta ahna Sheekh oo Xabsi guri kaga jira Wadanka Ingiriiska, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahayd mid si weyn loo hadal hayay,

Waxaana jira cadaadisyo Dowladda Ingiriiska kaga imaanaya gudaha iyo dibada wadankeeda taas oo looga digayo inay Sheekha u gacan geliso wadanka Urdun .

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)