Sida Ay Sheegeen Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab khasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta Tiyaatarka iyadoo wararku ay yihiin kuwa qubane ah oo aan intooda badan la xaqiijin karin.
Sidoo Kale Al-shabaab Ayaa Waxa Ay Sheegeen in dhimashadu ay kor u kacday, dadka goobta ku le’dayna ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin sar sare oo ka mid ah Dowlada TFG-da.
Waxa Uu Sidoo Kale Sheegay Masuulkaani U HAdlay Al-shabaab in dadka dhintay ay ka mid yihiin 25 Sarkaal oo ka mid ahaa Dowlada Soomaaliya ayadoo uu Sheegay In ugu yaraan 10 ka mid ahi ay ahaayeen Xilibaanda Dowlada Soomaaliya.
Al-shabaab Ayaa Xaqiijinaya In Xildhibaan Mowliid Macaane uu ka mid yahay Xildhibaanada ku dhintay goobta Qaraxaasi Uu Ka Dhacay.
Safiir cusub oo dalka Naijeria u fadhiyey Soomaaliya ayey Sheegeen in uu ku dhintay qaraxa, waxaa sidoo kale jira Doblamaasiyiin shisheeye oo ku sugnaa goobta uu qaraxu maanta ka dhacay Sida Uu Hadalka U Dhigay Sarkaal Kaasi ka tirsan Al-shabaab.
Wariye Maxamed C/llaahi Xaaji oo ka mid ahaa wariyeyaasha Radio Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in uu soo gaaray dhaawac halis ah waxaana laga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad Ayuu Yiri Sarkaalsaasi U Hadlay Al-shabaab.
4 General oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen dadkii goobta Waxyeeloobay.
Qaraxan ayey sheegeen al-shabaab in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso oo xili hore lagusii aasay gudaha Xarunta Tiyaatarka, arinkaas oo ah fadeexad dhanka amniga midii ugu weynayd oo soo marta sirdoonka DFKMG ah.




