WararkaSoomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Waxaa degen xaaladda deegaanadii ay shalay dagaaladu ka dheceen ee gobolada Sool iyo Cayn.
Wararkii ka imaanaya Laas-caanood iyo Buuhoodle ayaa sheegaya in jewigu uu saaka yahay mid degen.
Dagaaladii shalay oo ka dhacay deegaano hoos taga labadaas magaalo islamarkaana socdey mudo dhowr saacadood ah ayaa sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo soo kala gaarey dhinacyadii uu u dhexeeyey.
Dhinaca kale Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay wada hadal la furto maamulka Khaatumo.
Haseyeeshee mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Khaatumo ayaa kasoo horjeestey baaqa nabadeed ee xukuumadda Somaliland iyagoo sheegay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin.





