Qaar Ka Tirsan Saraakiisha Dowlada TFG-da Iyo Kuwa AMISOM Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho

0
119

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Kullankaan ayaa waxay maanta ku yeesheen Taliska Amisom ee Xalane oo ku yaalla Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho waxaana ka soo qeyb gallay saraakiil Sar Sare oo labada dhinac ah
Kulanka Ayaa waxaa Lagu Jeex Jeexay Qodobo Badan Balse Qodobka ugu xasaasisanaa ee ay labada dhinac kullankaan isula lafa-gureyn ayaa wuxuu ahaa, seddexdii bilood ee ugu dambeysay hawl-gallo ay si wadajir leh u wada fulliyeen Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda AMISOM Oo Isu Kaashanaya La Dagaalanka Xarakada Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa waxay soo bandhigeyn walxaha qarxa oo ay sheegeen inay ka soo qab qabteen Magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay inay si weyn uga adkeyn Al Shabaab, ayna u suggayaan ammaanka caasimadda Kaliya.
General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kullankaan ka soo dhex muuqday ayaa wuxuu sheegay inay ka adkaadeen waxa uu ugu yeeray jid iyo jihadiidka, oo uu kala jeedo Xarakada Al Shabaab Oo Iyaga Ah Xoogag Ka Soo Hor Jeeda Hanaan Siyaasadeedka Ay Dowlada Wax Ku Naanusho.
Major Fred Mugisha Oo Isna Ah Taliyaha Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM aan weli xil wareejin sameyn, kana soo qeyb gallay kullanka ay maanta yeesheen Saraakiisha Dowladda iyo Amisom, ayaa wuxuu sheegay inay wiiqeyn awoodii Xarakada Al Shabaab.
Mudane Axmed Macalin Fiqi Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka Somaliya Ayaa Isna wuxuu ku nuux-nuux-saday ka hadlida ammaanka iyo sida ay Al Shabaab uga adkaadeen, isagoona hoosta ka xariiqay in seddexdii bilood ee ugu dambeysay ay gacanta ku soo dhiggeen sida uu yiri rag Shabaab ka tirsan Islamarkaana Ay HAatanba Ku Hayaan Xabsiyada Ay Maamulaan Hay’adda Nabad Sugida.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)