Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Kulan Ay maanta Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga soo horjeesteen xilka qaadistii lagu sameeyay wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
Cabdi Qaaliq oo ka mid ahaa Xildhibaanadasi ayaa waxa uu sheegay in ay sharci daro tahay xilka qaadista uu Madaxweyne Shariif ku sameeyay wasiirka taasi oo uu sheegay in aan lagala tashan, isagoo xusay in wasiirka uu Kursiga ku fadhiyay 4.5 oo dowladda ay wax ku qabsato Islamarkaan aysan Ogalaan Doonn Dikreetada Madaweyne Shariif.
Xildhibaan Cali C/laahi Afgooye Oo Sidoo Kale Hadal Ka Jeediyay Kulankaasi ayaa isna waxa uu sheegay in wax soconaya aysan ahayn xilka qaadista lagu sameeyay wasiirkii beeraha.
Kulankaani Ay Yeesheeyeen Xildhibaanadaasi Ka Soo Jeeda Goboada Bay&Bakool Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Madaxweynaha dowladda TFG-da Soomaaliya war kasoo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in xilkii laga qaaday wasiirkii Beeraha kadib markii Ra’iisul wasaaraha uu arintaasi soo jeediyay.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




