Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Wufuudani Ka Socotay Dalka Germalka ayaa waxaa horkacayey Dag Nabel Oo Ah wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ganacsiga ee Germany.
Waxayna kulan la qaateen C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif Oo Ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dowlada TFG-da Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga.
Masuuliyiintaani KA Socotay Dalkaasi Germalka Ayaa waxa ay ahaaayeen 2 mas’uul markii uu kulankooda oo ka dhacay garoonka Muqdisho soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay, waxayna ka warbixiyeen waxyaabihii ay iskula soo qaadeen Kulanka ay La YEesheen Madaxda Dowlada TFG-da.
C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif Oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha ee Dowlada Soomaaliya ayaa ugu horeyn Hadal U Jeediyay saxaafada .
Wuxuuna sheegay in Ujeedada ka danbeysa booqashada wefdigan Jarmalka ahi ay tahay sidii ay dowladda Soomaaliyeed u caawin lahaayeen kadib markii ay la dhaceen waxqabadkeeda Iyo Hurumarka ay haatan ku sii talaabsaneyso Dowlada Soomaaliya.
Dag Nabel Oo Ah wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta gacansiga ee Germany ayaa isna sheegay in isaga iyo wefdigiisaba ay farxad u tahay inay magaalada Muqdisho yimaadaan islamarkaaana ay kulamo la qaataan Madaxda Sar Sare Ee Dowlda.
2bdaani MAsuul Ee Ka Socda Dalka Germalka ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee ee ka socda dalka Germany ee in mudo ah magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho soo Yimaada.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




