Jawiga Magaalada Muqdisho Oo Saaka Degen Kadib Daagaalkii Xooganaa Oo Shalay ka dhacay.

0
516

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Dagaaladii shalay oo ahaa kuwo Aad U Xooganaa Islamarkaana Leesku Adeegsanyay Hubabka Noocyadiisii Kala Duwan sababayna khasaare badan Kaa Oo u dhexeeyey ciidamada Dowlada TFG-da oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xaraklada  Al-shabaab.
Dagaaladaasi ayaa  Waxaa wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in ugu yaraan 20-qof oo u badan dhinacyadii dirirtu u dhexeysey ay dagaalkaas ku geeriyooodeen.
Dhinaca kale dagaalkii shalay ayaa sababay barakaca qoysas tira badan oo iyagu ka cararay deegaano ay kamid yihiin km13 halkaas oo iska hor imaad xoogani uu ka dhacay.
Sida La Og’yahay  goobihii Ay shalay dagaalka ka dhacay ayaa saaka ah kuwo xasiloon, waxaana weli meelaha qaar laga Dareemayaa saameyntii uu reebay.
Dagaalka ayaa xanibay isku socodka gaadiika iyo dadka ee wadooyinka qaar, waxaana ugu daran wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo iyadu Xernaa Goortii Uu Dagaalka socay Balse haatan ayaa la soo sheegayaa in ay dib u furantay.
Waa dagaalkii ugu balaarnaa ee ciidamada dowladda TFG-da Soomaaliya iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ku dhex mara magaalada Muqdisho intii lagu guda jirey bishan Balse Dadka Ku Dhaqan Deeganada ay shalay dagaalada ka dhceen ayaa Ku jira qaqal baahsan iyagoona ka cabsi qabo in uu markale dagaaladaasi mid la ceen ah in uu marlabaad dib ugu soo noqdaan

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)