Ra’iisul Wazaare Gaas Oo Ka Qeybgalay Shirkii ICMG Lana Kulmay Lynn Pascoe

0
488

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo jooga Nairobi ayaa 30kii Maarso ka qeybgalay shir aad iyo aad u mihiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey oo lagu qiimeynayey waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo soo afjaridda xilliga kala guurka ah.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn Pascoe oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda iyo wafdi uu hoggaaminayey. Sidoo kale kulankan waxaa ka soo qeybgalay Alexander Rondos oo ah Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ku sugan Nairobi.

Shirkan ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Ugu horreyntii waxaa kulanka khudbad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo warbixin dheer ka siiyey ka soo qeybgalayaasha horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhaqangelinta Roadmapka oo uu sheegay in Soomaalidu ay ka go’antahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah,
Sidoo Kale Gaas Ayaa Sheegay in 6dii September madaxda Soomaalida ay illaa iyo hadda si wadajir ah oo midnimo leh ay uga wada shaqeynayaan dhameystirka dhammaan qeybaha Roadmapka.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in qeybaha ugu muhiimsan Raodmapka oo ku xiran in xilliga kala guurka la soo afjaro ay yihiin qeybta labaad ee ka kooban dhameystirka dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka oo uu sheegay inay labadooduba muhiim u yihiin sidii loo heli lahaa Dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato bisha August.
Ambassador Mahiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey warbixinta tifatiran iyo sida ay Soomaalida uga go’antahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah.
Mahiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay soo dedejiyaan dhaqaalihii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ka mid yihiin soo xulida iyo isu keenista golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub.
Lynn Pascoe oo isna goobta ka hadlay gunaanadkii ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida uu shirka u dhacay iyo sida saraaxadda leh ee looga dooday arrimaha muhiimka ah.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)