Dagaal Xoogan Islamarkaana Qasaaro Geestay Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
493

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

1- ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay shan kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib dagaal Xalay ku dhaxmaray Xeradii Hore Ee Asluubta ee duleedka Muqdisho Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada dowlada TFG-da Soomaaliya.

Weerarkaani Dagaalka ah ayaa ka danbeeyey kadib marki xarakada Al Shabaab ay weerar ku Ekeeyeen fariisin ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Xerada Asluubta oo wax yar u jira isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Inta Uu Dagaalka Socday Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa madaafiic ugu tagtay deegaanka Garasbaaleey oo ka mid ah meelaha loo barakacay ee magaalada Muqdisho Islamarkaana Ay Goorwalboo Dagaal Dhaco Gaarto Madaafiicda Ay Isweedaarsanayaan Labada Dhinac Ee dagaalamaya.

Axmed Yare Taliyaha ciidamada dowlada ee aaga Ex-koontarool ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in ay iska caabiyeen kooxihi soo weeraray, isla markaana aysan jirin wax qasaara ah oo soo gaaray Ciidamada Dowlada Ee Ku Sugnaa Aaga Hore Ee Ex-Cintrol Afgoye.

Dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Kaa Oo Ku Aadan Dagaalkii Ay Ku Soo Qaadeen Ciidamada Dowlada, hase yeeshee dagaalki xalay wuxuu qeyb ka yahay dagaalada joogtada ah ee ay Xarakada Al-shabaab kusoo qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya.

 Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)