Qasaaraha weeraar xalay ka dhacay gaarisa oo siigordhay

0
604

Warka somaliya Warsom.com

Wararka naga
soo gaaraya magaalada Garissa
ee xarunta Gobolka Woqooyi bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay baar lagu
magacaabo Luka oo ku yaala bartamaha magaalada Garissa
halkaasi oo ay rasaas ku fureen Rag hubaysan.

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar khasaare geystay oo habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Gaarisa

Iyadoo xalay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya goob lagu caweeyo oo ku talla ay weerar ku qaadeen Kooxo hubeysan ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo qasaaro uu kasoo gaaray dad u dabaal dagayay bilashada sanadka cusub ee 2012.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa 5 ruux  halka 31 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo u badnaa dad Kenyaan ah hase ahaatee ay ku jiraan dad Soomaali ah oo dabaal dagayay sanadka cusub.

Dhinaca kale howlgal ciidamada Kenya ay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi barri ee dalkaasi ayaa waxaa la sheegay in ciidamada ay ku qabteen dad isugu jira Kenyaan iyo Soomaali kuwaasi oo tiradooda aan la sheecin.