Dawalda Kmg, Dawlada Ethopai, Ahlu suna, Xarkada Alshabaab iyo shacabka oo Siyaabo Kala Kadisan ugu hadalay Dagaalka Hiiraan (warbixin)

0
396

 

Wararka somliya warsom.com

Dhinacyada ku dagaalamay bartamaha iyo koonfurta somaliya oo qaarkood dagaal xoogan xalay ilaa saaaga ku dhaxmaray goblka hiiraan ayaa waxay siyaabo kal ka disan uga hadleen sida uu udhacay dgaalkaas.

Xukuumadda dawlada  Soomaaliya oo kahadashay dagaalkaas  ayaa sheegtay in aroortii hore ee saakay oo Sabti ah uu billowday howlgal-gal lagu soo celinayo nabadda iyo degenaashaha guud ee Soomaaliya, iyadoo loo kaashanayo dalalka dariska ah iyo taageerada laga helo beesha caalamka ayaa lagu yiri war saxafadeed uu manta ka soo baxay xafiiska reysal wasaaraha c/wali Gaas.

Sidoo kale dawalad Ethopai oo manta qeeb ka aheed duulaanka la gu soo qaaday gobalka hooraan ayaa iyna waxay sheegatay in dagaal xoogan kula wareegtay  Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Afhayeenka dowladda Ethiopia Bereket Simon ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkasi oo uu sheegey inay dagaal kaga saareen Xarakada Al Shabaab.

Dhanka kale xarkada mujaahidiinta Al shabaab oo dulaan ay ku ahaayeen labadaasi dhinic ayaa taliska ciidanka malatarga ee xarkada al shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab wuxuu ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen wuxuuna sheegay  in Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah u hubeysan saakay waabarigii ay weerar xoogan kusoo qaadeen difaacyo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Muslim ee duleedka magaalada Baladweyne.

Abuu Muscab waxa uu tilmaamay in ugu yaraan Seddex mar la jebiyay Ciidamadii Itoobiyaanka, markii dambena Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay badaleen qaab dagaaleedkooda, si buu yiri Cadowga loo naaafeeyo.

Ururka ahlu suna oo ka mid ah dhinacyada ka soo horjeeda xarkada al shabaab islamarkaan inta badan dagaalo ku dhaxmara goblada dhaxe ee somlaya ayaa waxa ay ka hadleen aragtidoda ku aadan dagaalka xoogan ee ka dhacay gobolka hiiraan

Guddoomiye kuxigeenka goalaha fulinta ee ahlusunna waljeemca Aadan Cabdulle oo maanta warbaahinta kula hadlay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ay si toos ah ugu lug leeyihiin Ahlunna.

Waxa uu intaasi ku masuulkaan in Ciidamo katirsan Ahlusunna oo laga soo qaaday gobolka Galguduud ay saaka ka qayb galeen dagaalkii ka dhacay magaalada Beledweyne, waxaana uu guul ku tilmaamay ka saarista Al shabaab ee magaaladaasi.

Ugu dambeen shacabka magalad baladweene oo manta lugu kor tagaalamay qasaraha ugu badana soo gaaray ayaa cambaareyay waxeena ka muujiyeen walaac fara badan iygoo qaar ka mid ah shacabka ee durbaba bilaabay inay magalada iyo dagmooyinka u dhaw ee gobalaka hiiraan iskaga cararaan.