Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Dagaal kulul ayaa dib uga soo cusboonaaday xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada shisheeye ay maanta isbalaarin ka sameeyeen Qqebo farabadan Oo Ay Horay Ugu Talin Jireen Shabaabul-Mujaahidiin.
Warararka iminka nagasoo gaaray aagaga dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay Iyaga Hadan Ku Soo Qaadeen Dagaal Xoogaan ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowlada ee duulaanka ku ahaa Saakay Xarakada Al-shabaab
Dagaalka ugu culus ayaa hadda wuxuu ka socdaa xaafaddda Carafaat iyo Juungal halkaasi oo ay Ciidamada Al-shabaab kula Dagaalamayaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya
Saraakiil ka Tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa u sheegay Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom in ciidamada AMISOM ay Qasaaro U geesteen Islamarkaana Ay Taangiyo K Gubeen isagoona sheegay in uu dagaalka weli socd.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





