Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Oo La Wareegay Guud Ahaan Gacan Ku Heynta Degmada Dhoobley Ee Gobolka J/hoose

0
698

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Weerar aad U Xoogan qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa waxa ay xarakada mujaahidiinta al shabaab ku qaadeen Degmada Dhoobley GobolkaasiJubada hoose

Ku Dhawaad 32-Qof ayaa ku geeriyootay In ka badana dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal culus oo ka dhacay degmada Dhooblay ee gobolka Jubada Hoose kaasi oo u dhaxeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Iyo Ciidamada DowladdaTFG-da Oo kaashanaya Ciidamada Keenya Ee Kugnaa Xuduud Somaalia Iyo Keenya u dhexeysa.

Dagaalkaani ayaa waxa uu bilowday saaka Iyadoona xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar Culus ku qaadeen degmada Dhooblay oo ay gacanta ku haysay dowladda soomaalia ayaa

Dagaalka ayaa waxaa laga dhexmaqlayay hubka culculus iyo kan fudud kuwaasi oo ay xarakada mujaahidiinta al-shabaab kula wareegeen dhamaan gacan ku heynta Degmada dhooobley Ee gobolkaasi J/hoose

Sarrkaal ka tirsan Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa Uu u xaqiijiyay Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom sheegay inay Xaqiijiyeen Gacan ku heynta degmada dhobley

Dowlada TFG-da Ayaa lagu soo waramayaa in ay Qasaaro aad u baahsan kala kulmeen dagaalkii ay saakay ku qaadeen xarakada Mujaahidiinta al shabaab degmada dhoobley islamarkaana ay masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay sheegeen ay ka furteeen hub aad u badan Saraakiilna ay ka Qabsadeen

Ma ahan markii ugu horeysay ay Xarakada mujaahidiinta al -shabaab Dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah kula wareegaan Goobo farabadan ay ka taliyaan Dowlada TFG-da Soomaaliya islamarkaana ay Qaaaro Aad U Baahsan kala Kulmaan Ciidamadii Ku Sugnaa Halka Weerarka ay Ku Qaadeen Mujaahidiinta Al-shabaab

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com