Qarax Xoogan Oo Lala Beegsaday Gaari laga Lahaa Waaxda amaan Ee Puntland Oo Maanta ka Dhacay Magaalada Garowe

0
526

 (Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Qarax xoogan ooDhawaqiisa laga maqlayey dhamaan xaafadaha magaalada Garoowe ayaa saaka abbaare 8:00-saac ee subaxnimo ka dhacay dhinaca bari ee caasimada Puntland ee Garoowe.

Sida Ay Sheegeen Dad ka Agdhawaa Goobta Uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay ku tilmaameen qaraxaasi in uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso islamarkaana ah nooca Remote-ka lagu hago ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka ee degmada Garoowe , kaas oo marayey agaagaarka misaajidka Mowlaca ee ku yaala Magaalada Garawe.

Ma jirto cid qaraxaas ay dhibaato kasoo gaartay marka laga reebo wiil ka mid ah dadkii goobta uu shilku ka dhacay ka ag dhowaa oo uu dhaawac fududi soo gaaray kaas oo xiligan xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo cusbataalka guud ee magaalada Garoowe.

Dhanaca kale ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka sobaxay Maamulka Puntland kaasi oo ku aadan qaraxaasi saakay ka dhacay magaalada Garawe iyadoona ay qaraxani kusoo Aadeyso xilli ay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku sugan yihiin wefdi xaqiiqo raadis ah kuwaas oo ku guur gelaya xaalada amaan ee Garoowe iyo guud ahaan xasiloonida degaanada Puntland.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com