Wafdigii Dhakhaatiirta Turkiga ahaa Ee Ku Sugnaa Boosaaso Oo Dalkooda U Qaaday Gabar Indho La’aan Ku Dhalatay( Daawo Sawirada)

0
1290

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Puntland Dhakhaatiirta Turkiga ah  ee ku sugan ayaa maalintii Axadii (25-kii Sept 2011) waxaa cusbitaalka Gaalkacyo loogu keenay gabar yar oo lagu magacaabo Fardowso Axmed Cabdiraxmaan oo da’deedu ahayd 5 sano taasi oo ku dhalatey iyadoo labada indhood aysan muuqan oo ay Ku Tirantahay Godkii indhaha

 Dhakhaatiirta ayaa gabadhan aad uga naxay dareenkooduna isbadalay markii ay arkeeen iyo sida aysan wax uga qaban Karin gudaha wadanka Soomaaliya islamarkaana Go’aansadeen In ay Ku So Dabibaan Dalka Turkiga.

Wafdigii Dhaqaatiirta aheed ayaa waxay Hooyada gabadha iyo Wasiirka Caafimaadka u sheegeen inay caawinayaan oo ay u dirayaan Isbitaal indhood oo ku yaala magaalada Stanbul ee wadanka Turkey

Dhakhaatiirtu waxay xiriir la sameeyeen dhakhaatiir Turki ah oo ku sugan Muqdisho iyo safaaradooda Muqdisho dabadeedna waxay uga dalbeen Fiisiihii  gabadha caawinta u baahan iyo hooyadeed,

Waxayna Muqdisho ka dhoofayaan iyagoo raacaya diyaarad Turkigu leeyahay una qaabilsan gargaarka Caafimaadke.

Hooyada  Gabadhan yar ayaa sheegtay in ay ka soo Deegaanka Dudun ee xuduudka Soomaaliya iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana ay reerkoodu yihiin reer miyi aan waxba haysan kuwaas oo gabadhooda xaalkeeda quus ka noqdey kadib markii ay Isbitaalada Puntland la mareen waxna looga qaban waayay,

C/shakuur C/raxmaan Cabdile oo ah gabadha Adeerkeeda iyo gabadha hooyadeed Khadro Faarax Maxamuud ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey caawinta ay dhakhaatiirtu siiyeen gabadhooda waxaana ay hooyada gabadhan isla hayn waysay

farxad iyadoo u ducaysay dhakhaatiirta ilaahayna uga bariday inuu ugu badalo waxa ay jecelyihiin aakhiro iyo aduunba,

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com