Shirkadaha Duulimaadka Soomaalida Oo Ka Soo horjeesteen Go’aankii Garoonka Loogu Gacan Galiyay Shirkada SKA

0
1273

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

go’aankii Shirkadda SKA loogu wareejiyay Garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka soo Horjeestay Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliyaislamarkaana waxay sheegeen inaysan u hogaansameynin Go’aankaasii

Afhayeenka Shirkadaha Duulimaadka Cali Xaashi Axmed oo ayaa Waxaa uu si kulul ugu hadalay Arintan ku aadan la wareegidda Dhaqaalaha Shirkadda SKA.ee garoonka diyaaradaha Maadaama ayaga ay yihiin Shirkadihii duulimaadka islamrkaana Doonayaan In ay maamulaan dhamaan Duulimaadyada Garoonka.

Waxaa uu Sidoo kale Afhayeenka kahadlay Saameynta ay arintan keentay isagoona wax la la yaabo ku til maamay in dowladda oo ay u harsantahay Muddo Sedeed Bilood ah ay Shirkadd ajnabi ah u saxiixdo Mushrruc dhaqaale uu Soconaya Muddo 10 Sana ahiayadoo ay dad farabadan isweydinayaa in shirkadaha soomaalida ay gacan ka taageen maaulka garoonka Aadan Cade Ee Muqdisho.

Si kasataba aha ahaatee arintan ayaa Waxaa ay murun Badan ku abuurta Dadka Soomaaliyeed oo isugu jira aqoonyano wax garad iyo Waliba Xumbo kamid ah Dowladda TFG-da oo qaarkood arintan ku tilmaamay gumeysi cad oo lagu hayo Umadda Islamarkaana la doonayo in ay dhamaan dalka soomaaliyeed uu galo Gumeesi .

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com