(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Ku Dhawaad 3qof ayaa ku dhintay 4-kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari nooca waaraadka ah oo kusii jeedey dhanka degmada Qaloocan uu ku rogmaday meel qiyaastii 2-Km dhanka bari kaga beegan degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.
C/qaadir Siciid C/raxmaan Guddoomiyaha degmada Dangorayoayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka soomaaliyeed Ee warsom qasaaraha ka dhashay iyo waliba sida ay wax u dheceen
Dadkii uu dhaawacu shilkaasi kasoo gaaray oo saddex ka mid ah ay haween yihiin la gaarsiiayay Isbitaalka degmada Dangorayo.
Gudoomiyaha ayaa Waxa Uu sidoo kale xaqiijiyey in ninkii lahaa gaariga shilka galay ay durbadiiba gacanta kusoo dhigeen ciidamada Ammaanka ee Degmada Dangorayo su’aalana lagu weydiinayo xabsiga degmada Dangorayo.
Waxaa mudooyinkii u danbeeyey degaanada Puntland kusoo badanayey shilalka noocan oo kale ah waxaana taasi loo anaynayaa wadooyinka oo burbursan iyo aqoonyari dhanka xirfada dareewal nimada
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





