Dagaal Qasaaro Xoogan Geestay Oo Reer Guura Iyo Beeraley Ku Dhexmaray Gobolka Sh/Hoose

0
506

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Ku Dhawaad 2-Ruux ayaa ku dhintay 25-kalena waa ay ku dhaawacmeen Ka dib dagaal xoogan oo Saakay ku dhex maray Xoolo dhaqato iyo Beeraley dhul daaqsimeed hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose.

Dagaalka degaanadaasi kasoo cusboonaatay ayaa ah mid salka ku haysa is qabqabsi dhanka dhul daaq simeedyada ah, waxaana durbadiiba halkaasi ku baxay Cuqaal iyo Nabadoono ka soo jeeda degaanadaasi si xal deg deg ah colaadaasi looga gaaro islamarkaana Heshii la dhexdhigo Maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay.

Waqtiyada ay soo dhawyihiin roobabka ayaa dhulka Soomaalidu degto waxaa ka dhaca dagaalo ka kaca qaybsiga dhul daaqsimeedyada kuwaas oo inta badan dhex mara Reer guuraaga degaanadaasi ku dhaqan iyo waliba maleeshiyaad ay aydeegsadaan Reer Guuraaga halkaasi ku dhaqan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )