Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu Sheegay xabbad joojin iyo nabadeyn ka dib markii ay dawladu dhawaan dagaalo ku qaaday kooxo ay ku sheegtay In ay yihiin xarakada mujaahidiinta Al-shabaab, dagaalkaas oo markii danbe yeeshay weji ka duwan kii dawladdu ku sheegtay, ayna ka qaybtqaateen malayshiyo beeleedyo, waxaana dagaalkaasi ka dhacay xaafadda Garsoor magaalada Gaalkacyo Ee xarunta maamula goboleedka Puntland.
Khaliif Ciise Mudan oo Wasiirka Amniga Puntland ayaa saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay xarunta madaxtooyada gobalka Mudug waxaana wasiirku uu ka hadlay xabbad joojinta iyo maslaxada haatan ka socota magaaladaasi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay dhamaan dadkii ka cararay dagaalkii Gaalkacyo in ay dib ugu soo laabtan guryahooda isla markaana ay soo celiyaan nolashii caadiga ahayd ee ka jirtay Gaalkacyo sida ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka Iminka wixii ka bilowdana xaalada gaalkacyo ay ku soo laabaneyo si caadi ah
Hadalkaani ka so baxay dowlada ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhawaan ergooyin kala duwan oo ka socoda beelweynta Daarood Ismaaciil ay wadeen waan waan iyo wadahadalo lagu daminaayo xiisadii gacan ka hadalka ahayd ee ka dhacdey Gaalkacyo Bale haatan ay tahay mid aad u dagaWararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




