Dowladda KMG Iyo Xarakada Al Shabaab Oo Wali Isku Mari La’ Hanashada Gacan Ku Haynta Garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho

0
627

Wararka Soomaaliya

Tan Iyo Markii Magaalada Muqdiosho uu Ka Bilawday Duulaankii ay Dowladda Ku Doonaysay In ay Kula Wareegto Gacan Ku haynta Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa wali la Iski Wari Weysan yahay Gacan Ku Haynta Garoonka Kubbada Cagta Ee Muqdisho

Rajadii Dowladda Ee Ahaa In ay Goobo Istaraatiiji ah Kala wareegto Xarakada Al Shabaab ayaanana Suura galin Marka Laga Reebo Goobo Aan Muhiimad Baaxad Weyn Ugu Jirin Dowladda

Balse Hamigii Ugu Weytnaa ee Dowladda ayaa Waxa Uu Ahaa In ay Gacanta Ku Soo Dhigta Garoonka Kubbadda Gacta Ee Muqdisho Laakiin Waxaa Jilbaha U Aastay Xarakada Al Shabaab

Xaalku ayaa haatan Waxa UU Marayaa Meel Xasaasi ah oo Dowladda waa Weerar Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaabna Waa Difaac

Dhanka Kale Waxaa Isago Soo Taraya Dhibaatada Iyo Khasaraha Ka Dhashay Dagaalka Marka Laga Soo Tago Sheegashooyinka Dowladda Iyo Xarakada Al Shabaab

Dagaalada Maalmihii Laga Soo Gudbay Dhacay Waxa Ku Hoobtay Shacab Fara Badan oo aan waxba Galabsan Iyadoo ay Jiraan Khasaaro Soo Gaaray Labada Dhinac Oo ay dirirtu Dhex Martay