Wafdi Ka Socda Dalka Swedan Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

0
251

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Gunilla Carlsson Oo Ah Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden ayaa Soo booqatay magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulantey dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale waxay la kulantey raysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Oo Ay Kula kulantay Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo Kale Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in booqashada lagu yimaado Muqdisho ay qayb katahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada halkaas ka taagan, amni xumo ayaa dalka ka jirta meelo badan oo Soomaaliya ka mid ahna lama tegi karo, waxaana qaybahaas joogo kuwo badan oo u baahan taageero iyo Caawinaad aad u baahsan.

Mid Ka Mid ah wariyayaasha ka socday dalka Sweden ayaa weydiiyey wasiirka waxa ay tarayso dadka dhibaatadu hayso in wasiiradu safar ugu yimaadaan,

Gunilla CarlssonOo ka warcelineysana waxay ugu jawaabtay- waxa wax qaban karaa waa lacag iyo in dagaalada la joojiyo, si dadku u helaan nolol dhaanta nolol xumada ay iminka ku jiraan

Waxaa Kaloo ay sheegtay wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga dalka Sweden in Adduunku ka jawaabey dhibka ka taagan Soomaaliya laakiin jawaabtu ay tahay mid si tartiib ah ku socota loona baahan yahay in la dardargeliyo islamrkaan si Deg Deg ah wax looga Qabto Dhibaatada ka jirta dalka soomaaliya.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)