Waa Sidee Xaaladaha Degmooyinka Ay Faarujiyeen Xarakada Al-shabaab

0
268

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Burbur Iyo Baab’a  aad u weyn ayaa Laga Dareemayaa  goobihii ay Isku Hayeen Xarakada Mujaahidiinta al-Shabaab Iyo waliba Dowlada TFG-da Oo Kaa Shanaya Ciidamada AMISOM Ku Sugan magaalada Muqdisho, dad yar ayaana Haatan Moodaa In Ay  dib u soo noqonayaan Dadkssina Ay Dhibaato Aad U Baahsan ay ku Qabanaan Ciidamada Dowlada TFG-da oo Dhac Aad U Baahsan u Geysanaya islamarkaana Ka Qaadanaya Waxyaabaha ay GAcanta Ku wataan.

Degmooyinkii ay Faarujiyeen Xarakada al Shabaa ee magaalada Muqdisho, qaarkood waxaa ka muuqda burbur aad u weyn, gaar ahaan goobihii aadka loogu dagaalamay Islamarkaan ay Xaqiiq Tahay In Ay Madaafiicda Ay Gamayeen Ciidamada AMISOM Ay Qasaaro Baahsan u Geysatay.

Inkastoo Xarakada  al-Shabaab ay faarujiyeen goobihii ay dhufeysyada kaga jireen haddana ma jiraan dad badan oo guryohooda dagaalada dartood uga qaxay oo soo laabanaya Walow Aad Arkeyso Raxan raxan Dad Ah Oo Booqasho Ugu Imaanaya Xaafadahooda.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)