Ururweynaha Islaamka Oo Shir Xasaasi Ah Ka Yeelanaya Dalka Soomaaliya

0
285

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Iyadoo Ay Dalka Dalka Soomaaliya Ku Soo Qul Qulayaan Barakacayaal Ay Saameeyeen Abaaraha KA Jira Qaarka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya Ayaa Hogaamiyayaasha iyo masuuliyiinta 57 Dal ee ku jira Ururka Islaamka ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga si ay uga hadlaan abaaraha Baahsan Ee Ka Jira Dalka Soomaaliya

Ra’iisalwasaaraha Turkey Racep Tayyip Erdogan, ayaa qorshaynaya inuu booqasho ku tago Soomaaliya toddobaadkan isaga iyo xaaskiisa si ay adduunka ugu soo jeediyaan xaalada xun ee ka jirta Soomaaliya.

Dowladda Turkey In ay waqti badan galiso Soomaaliya ayaa ah cadayn inay kaalin wayn ka qaadanayso Afrika iyo dalalka Islaamka.

Dadka Turkishka ayaa in ka badan boqol milyan aruuriyay si gargaar loo gaarsiiyo Soomaaliya.

Ra’iisalwasaaraha Turkey ayaa sheegay inuu booqan doono Soomaaliya Toddobaadkan Nagu Sdo Fool Leh.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)