Kulan Xasaasi Ah Oo Afmadow Ugu Furmay Xarakada Al-shabaab Iyo Beesha Afmadow

0
266

 (Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Kulan heer sare ah oo ay kasoo qeyb galeen Salaadiinta beelaha Absame iyo hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab  ayaa maanta ka furmay GobolkaI Jubbada Hoose.
Wararka Naga So Gaaraya Dedgmada  Afmadoow ayaa  sheegay in maanta uu si toos ah u bilaawday kulankii weynaa ee lawada sugayay kaasi oo u dhexeeya beesha Absane iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa goob joog ka ahaa kulanka halka dhanka beesha Absame aysan kasoo tegin salaadiin.odayaal dhaqameedyo,culimo iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankaasi ka furmay Afmadoow wuxuu socan doonaa muddo 3 maalmood ah waxaana looga arrinsan doonaan Qidadah oo dan u wada ah beesha iyo mujaahidiinta Xarakada Al-shabaab
Madaxda ugu sareysa Gobolada Jubbooyinka ayaa hadallo ka jeediyay furitaankii shirweynaha waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda go’aano lagu farxo kasoo baxaan kulankaasi.
Shirweynahan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay Soo Gaarayaan Dalka Soomaaliya Ciidamo Lagu Soo Tababaray Dalka Kenya kuwaasi oo doonayay in ay La Dagaalamaan Xarakada Shabaab Ee Ku Sugan Gobolada  Jubbooyinka

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)