Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Wafdi Oo Uu Hogaaminayo Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Ah Mas’uul ka Tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kormeerro kala duwan ku Kala maray Qaar ka Tirsan Gobolada Dalka soomaaliya una kuur galayay xaaladaha abaareed Ee saameeyay dadka iyo duunyada.
Sh.Xasana Daahir Iyo Wufuudii Oo Uu Hogaaminayay Ayaa Waxa ay socdalkooda ku mareen Gobolada Sh/hoose,Bay Bakool iyo Gado Islamrkaana ay socdaalkooda ku soo gaba gabeeyeen iyagoo dib ugu soo noqday magalada Muqdisho waxaana inta wafdigaasi ay socdaalka ku jireen la kulmeen dad Shacab ah oo ay saameysay abaarta iyo sida loogu Samata Bixikaro .
Waxaa ka mid ah goobahaasi magaalada Baydhabo oo qoysas loogu gurmanayay lana dajiyay xeryo loogu tala galay waxaana Sheekh Xasan Daahir Aweys markii uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho uu faah fahiyay waxyaabihii uu kula soo kulmay socdalkiisa .
Shir jara’id oo uu qabtay wuxuu ku faah faahiyay arrinkaasi iyo sidoo kale heerka ay taagantahay Abaarta wuxuuna si aad ah u amaanay Wilaayaatka dalka ee ugurmanayo shacabkooda abaareysan .
Shirkaaani Jaraa’id Oo Uu Qabta Mas’uulkaani Ka Tirsan Xarakada Shabaabul mujaahidiin Shiikh Xasan Daahir Aweys Ayaa waxa uu Ku Soo Aadayyaa Xilli Ay Dhamaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Isaga Huleeleen Magaalada Muqdisho Iyadoo Aanan Wax Dagaalka Ah Lagula Galin Goorta Ay Isaga Baxayeen Fariisimayaash ay Ku Lahaayeen Goobaha Ay Iminka Ka Bexeen
Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





