(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Wafdiga Madaxweynuhu uu kusii wajahan yahay magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu casuumaad ka helay .
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha wafdigiisa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka waxaana kusii sagootiyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Labada golle ee Dowladda.
Kahor inta uusan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka amba bixin magaalada Muqdisho ayaa waxa uu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Wafdi ka socda Q.M oo uu hogaaminayo Ergeyga Xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Agoustine Mahiga oo ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxa uu ka raacay diyaarad kuwa rakaabka qaada ah gaar ahaan mid kamid ah diyaaradaha Shirkadda diyaaradaha Jubba Airways taasi oo ay sidoo kale saaran yihiin dad Shacab ah waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdigiisa ay sidoo kale soo mari doonaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo Abaaraha Dalka oo Madaxda Afrika ay yeelanayaan 25ka bishan.
Dhinaca kale Waxaa garoonka Aadan Cadde ka soconaya Shir looga hadlay Ammaanka kaasi oo ay ka qeybgaleen xubnaha gollaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada oo ka kala socda Midowga Afrika iyo kuwa Dowlada kaasi oo amaanka Caasimadda looga hadlayo.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)




