(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Racep Tayyip Erdogan Oo Ah Raysalwasaaraha dalka Turkiga Ayaa Lagu Waday In Uu Booqasho Ku Imaado manta Oo Ah (Khamiis) magaalada Muqdisho ayaa dib ugu dhacdey maalinta Jimacada ah
Booqashada Raysalwasaaraha Turkiga Ayaa Magaalada Muqdisho si weyn Looga Dareemeyay Soo DHaweyntii La Sameenlahaa Imaanshihiisa waxaana dariiqyada suran Sawirkiisa iyo kan Madaxweynaha Soomaaliya Shiriif Sh.Axmed
Muuqaalka ku Suran dariiqyada iyo derbiyada Muqdisho waxaa ku qoran “Mahad ayaan idiin haynaa Turkiyow, in aydinaan na hilmaamin maantoo kale Ayaan Dooneynaa Ayaa Ku Qornaa Sawirada Iyo Boorarka Ku saurnaa dariiqyada Magaalada Muqdisho.
Racep Tayyip Erdogan ayaa noqonaya, Raysalwasaarihii u horeeyey ee Doonayay In Uu Booqasho Ku Iamaado Dalka Soomaaliya KA Dib 20-kii sano Ee Uu Ku Jiray Dalka Bur Bur Iyo Dagaalo Baahsan.
Imaanshaha Raysalwasaaraha Turkiga Erdogan waxaa ku wehilin doona xaaskiisa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi .
Shiikh Shariif Sh,Axmed ayaa habeenimadii xalay dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu shirkii ururka Islaamka ee Istanbul ugaga qaybgalay dalka Soomaaliya, waxaana uu hadda isu diyaarinayaa Imaansha Racep Tayyip Erdogan
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)