XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED OO MUSLIMIINTA CAALAMKA U DIRAY HAMBALYO KU AADAN BISHA RAMADAAN

0
550

Wararka Soomaaliya

Shir uu yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna
gudoominayey ku simaha m/weyne darman ahna gud ku xigeenka xmjs cali
maxamed nuux timajilic ayaa waxaa ugu horeyn loo direy shucuubta
muslimka gaar ahaan kuwa soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan hambalyo
ku aadan bisha barakeysan ramadaan bilashadeeda iyadoo muslimiinta
dhamaan loo rajeeyey kuwo ka faa’iideysta kheyraadka ku dhex jira
bisha ramadaan isla markaana waxaa laga codsadey dadka wax heysta in
ay afuriyaan dadka gaajeysan ee aan waxba heysan kuwaasoo allaah ku
fiirinayo dadka wax heysta.

Waxaa shirka laga magacaabey gudi ka kooban 7 todobo xubnood oo
qabqaabinaya sanadguurada 13aad ee xisbiga mjs oo ku beegan 06 augost
2011 hadii eebbe idmo.

Waxaa sidoo kale la fasaxey xubnihii iyo hawlwadeenadii sida joogtada
ah u shaqeyn jirey bilashada bisha ramadaan awgeed marka laga reebo
xubnaha fulinta joogtada ah.

Ugu danbeyntiina waxaa loogu baaqey dhinacyada hubeysan in ay
xurmeeyaan bisha ramadaan si dadku u cibaadeysto.
Shirka ayaa kusoo dhamaadey jawi hagaagsan oo is afgarad leh.