Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere ayaa Shaaca Ka Qaaday In ay Ciidamada Xarakada Al Shabaab Gabi Ahaanba Faarujiyeen Deegaanada ay Kaga Sugnaayeen Gudaha Magaalada Muqdisho
Shiikh Cali Dheere Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada MUqdisho Ka Hor Inta aysan Ka Bixin Muqdisho ayaa Waxa UU Sheegay In ay Magaalada Muqdisho Uga Baxeen Xeelada Dagaal Isla Markana ay Dhabar Jab Xoogan U Geysan Doonaan Ciidamada Dowladda KUwa Amisom Iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca
Cali Dheere ayaa Sidoo Kale KU Hanjabay In Ay Xarakada Al Shabaab Dhibaatoyin Fara Badan U Geysan Doonaan Dowladda IYo Cid Waliba oo Taageerto Ka Bixitaankooda Muqdishana Aan Loo Qaadan In Uu Dagaalka Dhamaaday
Hadalka Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Cal;i Dheere ayaa Imanaya Xili Al Shabaab ay Gabi Ahaanba Faarujiyeen Magaalada MUqdisho Dowladdana ay U Dabaal Dageyso Farxadda Bixitaanka Al Shabaab
Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)