Wararka Soomaaliya
Idaacadda Alfurqaan oo laba sano ushaqeenaysay shacabka Soomaaliyeed ee kunool gudaha dalka ,kuwaasi oo meelo badan kadhageesta muujadeeda fm-ka halka Soomaalida uqaxday dunida dacaladeeda ay kala jaanqaadaan webka idaacada, ayaa xiligaan idaacada waxa ay wajahaysaa cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada kmg oo taageero kaheleysa shisheeye dibad joog ah iyo kuwa kusugan Magaalada Muqdisho.warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Cadaadiskaan oo laxariira moojada Fm-ta idaacada Alfurqaan oo ladulsaaray raadiyaha afka dowladda kuhadla oo dadka Soomaaliyeed hanan waayay ,ayaa waxaa soo ifbaxaya warar xaqiijinaya in dhinacyo badan ay kulugyeesheen sababaha keenay dhageestayaasha Alfurqaan in laga xayiro si fasiix ah inay ula socdaan Daruusta diiniga ah iyo wararka xaqiiqda kusaleesan ee sida joogtada ah udhageestaan shacabka Muqdisho iyo kuwa kale ee caalamka kala socda.
Idaacada Alfurqaan oo xiliga hawada ay soo galeysay magaalada Muqdisho ay kahowlgalayeen idaacado badan ayaa si dag dag ah waxa ay uga dhexmuuqatay Idaacadaha Kahowlgala Magaalada, iyadoona howlihii warbaahineed uga dheereysay idaacadihii kashaqeynayay Magaalada ,taa oo sabab u ah idaacadu inay dadka kuhanatay baahinta daruusta diiniga ah maadaama ay adkaatay in dagmoyinka qaar magaalada muqdisho dadka kunool si madax banaan kitaabada diiniga ah ay ugula socdaan masaajida sababo badan oo isbiirsaday awgeed.
Xiligaan Magaalada Muqdisho waxaa kahowlgalaya idaacado badan oo qaarkood ay shaqo bilaabeen aas’aaskii idaacadda Alfurqaan kadib ,waxaana wali idaacadahaasi ay kasban la’yihiin dhageestayaal Helistooda ay kubixinayaan dhaqaale adag oo kaga imaanaya Dalal gaalo ah iyo Saxafiyiin ay kasoo dhex xushteen kuwii ugu muuqday idaacadaha qaar ee kahowlgala Magaalada Muqdisho.
Idaacadaha bixinaya dhaqdhaqaaqaasi muuqda si ay uheleen Dhageestayaal ayeysan utaaba galin in ay kuguuleestaan hadafka ay ucararayaan ,maxaa yeelay dadka Soomaalida oo boqolkiiba boqol dad muslimiin ah ayaa dayax shan iyo toban oo kala ah waxaa u iftiimay cida kutaagan xaqa ee kahadleesa xaqiiqda jirta iyo Wadada toosan oo ah dadka in lagu xiro allaah,iyagoo labarayo aduun iyo aaqiro waxa faa’iidada ay ugu jirto inay kudhaqaaqaan.
Idaacada Alfurqaan Ciidamada kasocda dowladda Ugaandha iyo Burundi marka ay kahadleyso waxa ay u adeegsataa Ciidamada Shisheeye halka idaacadaha Muqdisho kuyaala marka laga reebo idaacada andulus ee afka mujaahdiinta Soomaaliya kuhadasha ay kutilmaamaan Ciidamada Nabad ilaalinta ujooga dalka Soomaaliya ee Amissom,waxaana masuuliyiin katirsan dowladda kmg wadar jeer Idaacada Alfurqaan ay kutartarsiiyeen in ay joojiso siyaasada ay kushaqeyso ee ah iska bari yeelida Buun buuninta Ciidamada Ugaandha iyo Burundi iyo in aanan labaahin dhibanayaasha uwaxyeeloobaya Xasuuqa Ciidamada Amissom ay kawadaan Magaalada Muqdisho taasi oo aan kasoo xigtay saraakiil katirsan dowladda oo aan si hoose ula sheekeestay.
Yeysan ila dheeraan kahadalka waxa aan kuq eexi karo Idaacadda Alfurqaan oo aan kamid ahay wariyayaasha dhageesta ee aan usoo laabto dulucda qoraalkayga.
Ciidamada kasocda dowladdaha Ugaandha iyo Burundi oo taageero siinaya kuwa Dowladda Kmg dhowr jeer ayay dagaalo jaha kasta ah waxa ay kusoo qaadeen fariisimaha mujaahidiinta Alshabaab ay kaga suganyihiin Magaalada Muqdisho,waxaana dagaaladaasi loo adeegsaday Idaacado taageero kageesta Probagando lagu xoojinayo in guulo wax ku ool ah shisheeyaha iyo kuwa dowlada ay kagaareen Dagaalada dhacayo ,taasi oo sida looga bartay idaaada Alfurqaan ay soo bandhigtay qasaaraha Ciidamada Burundi iyo kuwa Ugaandha soo gaaray kuwaasi oo muujinaya meedadkooda oo Muqdisho lagu jiidayo iyo goobaha ay kala joogaan mujaahidiinta iyo ciidamada shisheeye oo taageero ladaba taagan kuwa dowladda kmg.
Waxa layaabka igu noqday oo aan indhahayga saaray ayaa ahayd ciidamo wata dareeska Amissom, jagada ay kuxarqanyihiin iyo magacyadooda oo laga helay dharka ay wateen xiligii ay kunafwaayeen Dagaalo ay lagaleen Xarakada Al-shabaab, ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho taa oo idaacadaha muqdisho badankooda ay kameermeereen inay kusifeeyaan ragaasi inay katirsanyihiin Ciidamada kasocda Dowladdaha Ugaanda iyo Burundi .
Aqristow miyaad isweydiisay raga dowladda sheeganaya iyo Ciidamada Ugaandha iyo Burundi inay usimanyihiin idaacadaha qariyay xaqiiqda jirta iyo kuwa daaha kaqaaday jawaabta haku daalin waa maya.
Idaacado kal hore ahaa kuwa madaxbanaan ayaa hadda lashaqeeya shisheeyaha muqdisho kusugan kuwana si aan shaki kujirin ayay usoo bandhigeen jacaylkooda ay uhayaan inay wakiilo dalka uga noqdaan Dalalka jaarka inala ah ee cadowtooyada diineed inagala dhaxeeyso.
Reer galbeedka gaar ahaan dowladdaha Midowga yurub iyo Maraykanka oo mudo sanado ah Soomaaliya kubiilayay hogaamiye kooxeedyo imaarado ukala qaybiyay magaalada Muqdisho si dadka aysan isagu xukumin shareecada islaamka ayaa haatan qorshahoodii shacabka soomaalida kuwajahnaa waxa ay uweeciyeen inay u adeegsadaan Calooshood ushaqeestayaal Kasocda Dowladdaha Ugaandha iyo Burundi iyadoona dagaalkaasi uu barbarsocdo mid warbaahineed oo ay u isticmaalayaan dad Soomaali ah oo shilimaad yar kadoortay diintooda,dalkooda iyo waliba sharafta ay kudhex lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Idaacada radio Muqdisho ayaa hadda kashaqeysa Magaalada Muqdisho, iyadoo kuhadashaa Afka Ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowlada kmg oo dagmoyin Yar kaga sugan Magaalada Muqdisho.
Idaacadaasi oo xiligii dib loo hoolgalinayay ay kubeegneed Xiligii ladooranayay shariif sheikh Axmad Ayaa waxaa Dalalka Gaalada Gaar ahaan Maraykanka iyo Talyaaniga ay balan kuqaadeen inay lacago adag iyo qalab casri ah ay kubixinayaan, si loogu marahabaabiyo Shacabka Soomaaliyeed loogana horkeeno Mujaahidiinta Soomaaliya oo si Awood ah Dalka ugu saaray Ciidamadii Itoobiya.
Radio Muqdisho waxa loo qoray inay kashaqo Bilaabaan wariyayaasha ugu caansanaa Magaalada Muqdidho iyadoona beenta iyo islaam ladirirka durba ay kuholgashay .mana aysan helin dhageestayaal kheer doon ah marka laga reebo kuwa ladhacsan waxyaabaha ay kahadasho iyo kuwa udhageesta majaajilo.
Radio Muqdisho oo ay kahowlgalayaan wariyayaal gacan saar wanaagsan la lahaa dowladda Itoobiya xiligii idaacadaha muqdisho ay kashaqeenayeen ayaa hadafka loogu talagalay Radio Muqdisho Marka ay kagadiwaayeen shacabka Muqdisho waxa xiriir lasoo sameeyey Safiirka itoobiya ufadhiya Soomaaliya Ninka Lagu Magacaabo Cabdicasiis Juri juri oo kacodsaday in ay kahowlbilaabaan idaacad loog bixinayo Magaca Kulmiye oo uu balan kuqaaday Itoobiya inay Bixineyso Mushaaraadka Wariyayaasha Kashaqeynaya idaacadaasi iyadoona idaacadaasi danaha itoobiya si dadban ufulineysa kuna hadli doonta luqada Soomaaliga.
qaar kamid ah shaqaalaha idaacada Radio muqdisho oo baad Goob ugu jiray inay helaan cid isgarab istaagto ayaa safiirka Itoobiya usheegay inay heestaan qalab laba Fm ah oo ay doonayaan inay kamid noqdaan milkiilayaasha Idaacada lafurayo ee Itoobiya ugu magacdartay Radio Kulmiye.
Wariye Cabdiraxmaana Alcadaala oo hadda ah Tifaftiraha radio Muqdisho iyo Liibaan Cabdi Cali ayaa durba lasoo keenay fm-yo laba ah oo Daahir Maxamuud Geele uu Siiyay Xiligii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta ,Waxaa kaloo idaacadaasi qayb ka ah ninka hadda Agaasimaha Ka ah Abwaan Guure oo lacago uu kala soo baxsaday Milkiilaha Shabeelaha Kuqarashgareeyay Idaacada Kulmiye.
Idaacadan Kulmiye oo sheegata inay dhexdhexaad katahay siyaasadaha isdiidan ee kajira Soomaaliya ayaa Wax yar un kadib markii lafuray waxa ay bilowday inay been abuur iyo sheekooyin dacaayado a ay kafaafisio xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dad badan ayay kusoo jiidatay inay kadhageestaan warar ay si burcadnimo ah ugu xaday idaacada Islaamiga Al-furqaan iyadoona dhageestayaasheeda kumaaweelisa Majaajiliistayaal ka qosolsiiya dadka kahela inay waqtigooda kulumiyaan waxyaabahaasi munkaraadka ah ee kabaxaya idaacada Kulmiye.
Dad badan oo dhageestayaasha Muqdisho ah ayaa Durba Garwaaqsaday warar lagu qoray mid kamid ah websaatyada Muqdisho oo ahaa in itoobiya Muqdisho ay kafuraneyso idaacada iyada ay maalgaliso magaceeduna yahay Kulmiye.
Warar Xaqiiqo ah oo kasoo baxaya qaar kamid ah shaqaalaha Radio Muqdisho waxa ay xaqiijinayaan in idaacada Alfurqaan sababaha keenay in ladulsaaro radiyaha dowladda ay kulugleeyihiin dad badan oo ushaqeeya Dowlada Itooboiya ah iyo Ciidamada kasocda dowladdaha Ugaandha iyo Burundi ee kusugan Magaalada Muqdisho.
Waxaana dadkaasi kamid ah wasiirka Warfaafinta Cabdikariin Xasan Jaamac, Cabdiraxmaan Alcadaala, iyo liibaan oo intoodaba masuuliyiin ka ah Radio Muqdisho ,ciidamada ugaandha saraakiishooduna waxa ay lahaayeen go,aanka ugu danbeeyay ee keenay in Alfurqaan laga xayiro sidii ay ula soconlahaayeen dhageestayaasheeda kusugan goobaha ay muqdisho kajoogaan shisheeyeha iyo dowladda kmg .
Maxay kafaa’idayaan Idaacadaha Kulmiye iyo radio Muqdisho in lacadaadiyo Alfurqaan
Wax kasta oo aadanaha kudhaqaaqo dana un ayuu kaleeyahay haba ahaatee mid aduunka uu kudoonayo inuu kaga faa’iido waxa uu sameeyay ,ama haku dhaqaaqo camal wanaagsan oo qiyaamaha uga badbaadayo naarta kana rajeeynayo allaah inuu ku abaalmariyo Janadiisa nabigeena NNKH uu kutilmaamay midi aysan il arag dhagna maqal.
Haddaba maxay faa’iidooyinkaas:-
1-Faaiidada koowaad oo ay iska dhaadhiciyeen ayaa ah in si xoog ah dadka yaqiinay mowjada Alfurqaan ay udhageestaan tan ay dulsaareen ee munkaraadka sii deyneysa.
2-faaiidada labaad oo aan u arkay inay doonayaan ayaa ah in idaacada Alfurqaan aanan laga dhageesan Goobaha ay kusuganyihiin oo idaacadu ay kuhanatay shacab aad ubadan meel kastana iyada ay kashidneed.
3-Tan sadaxaad ayaa ah iney u arkeen in dadka been loo sheegi karo idaacad runta kahadleysa oo sida Idaacada Alfurqaan ugu dhiiran kartana aysan jirin marka laga reebo tan Andalus oo Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kuhadasha iyadana tabartooda ay kareebtay inay dulsaaraan FM-tooda.
4-Mida Afaraad oo ah in idaacado badan oo wakaalad Alfurqaan ay u ahayd wararkana ay kasoo xigan jireen in aysan helin wararka iyo barnaamijyada idaacadu ay sii deyso.
Sikastoy ahaataba Waxaa dhab ah tilaabada ay kudhaqaaqeen oo ah in la is dulsaaro idaacad baahinaysa Diinta Islaamka ee Muqadaska ah iyo mid ushaqeyneysa Gaalo kana baxayaan Music ,Aflagaado, Been , iyo wax kasta oo munkaraad laxiriira aysan wax faaiiddo iyo dhageestayaal kuheleen ,aaqirana laga abaalmarinayo waxa ay kudhaqaaqeen waayo waxa ay is hor istaag kusameeyeen kulana dirireen qalabka gaaladu ay soo siiyeena Duruusta Diiniga ah oo ah waxa kaliya ee Dadku ay kujeclaadeen Idaacada Alfurqaan.
Waa Markii ugu horaysay rag sheeganaya inay Dowladd Yihiin ay Dagaal Dhinaca hawada ah kusoo qaadaan idaacad sigaar ah ay ufurteen dhalinyaro diinta islaamka jecel Guryahoodana shacuubta soomaaliyeed ugu gaarsiinayay dacwada diineed oo ay Gudanayeen.
Talada Wariyaha Qoray Maqaalka ee uu Siinayo Idaacada Al-Furqaan
inkastoo aanan Aqoonin Maamulka iyo shaqaalaha idaacada Alfurqaan haddana waxa igu kalifay in aan Xogtaan Soo Helo lacagna aan kubixiyo wariyayaasha aan kasoo xigtay ee kashaqeeya idaacadaha radio Muqdisho iyo Kulmiye ,ayaa ah anigoo kamid ah saxafiyiinta caalamka kahowlgala haddana kutaxan webka idaacada oo aan si toos ah ugula socda wararka kataagan dalkeyga aan aadka ujeclahay dantana iga soo waday.
Wariyayaasha kahowlgala Idaacada Alfurqaan iyo Maamulkooda Waxa aan kula talinayaa in aysan kacaajisin Dhibaatada Naf lacaariga ah ee kaga Imaaneyso saraakiisha Ajaaniibta iyo kuwa Dowlada kmg ee loo adeegsanyo in lagu qalqalgaliyo shaqadii shacabka aad uheyseen
Waxaadna ku dadaashaan in aad ugudataan howshiina sidii kol hore aad uhayseen oo dhinacna aadan uga weecan waayo waxaa idiinla jira shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
waaxaa qoray wariyaasha al furqaan
xigasho amiirnuur.com
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





