Wafdi Uu Hogaaminayay Ku Xigeenka Mahiga Oo Muqdisho Soo Gaaray Kulamana La Qaatay Hogaanka TFG-da

0
545

Wararka Soomaaliya

Wafdigaan uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Garastyan Manha ayaa waxay kulamo la qaateen Madaxweyne Shariifka Soomaaliya, Gudoomiyah Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo R/wasaare Soomaali Ameerikaanka C/wali Maxamed Cali Gaas

Xog ku saabsan kulankaasi oo ay heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa sheegaya in ay kawada hadleen halka lagu qaban karo shir uu soo qaban qaabiyay Augostin Mahigaha isku heysta Madaxweynaha Soomaaliya shirkaas oo lagu dhameystirayo shir qoolkii Kampala ee loo dhigay Hogaanka TFG-da

Gaalka Garastyan Manha oo ah ku xigeenka Mahiga ayaa ku cadaadiyay hogaanka TFG-da in shirkaasi ay kaga qeyb galaan Magaalada Garoowe halkaasi uu sheegay in shirka lagu qaban doono

Hogaanka TFG-da ayaa codsaday in shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho taas uu ka diiday ku xigeenka Agostin Mahiga isagoona go’aamiyay in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Puntland Galmudug iyo Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah oo dhamaantooda TFG-da la mid ah una shaqeeya dowladaha reer galbeedka ee awooda is biday

Maxamed C/laahi Oomaar oo ah wasiirkii arimaha dibadda ee xukuumadii Farmaajo ee la ceyriyay ayaa war fidiyeenada u sheegay in ay ka wad haldeen dhameystirka Shirka Kampala isagoona ka gaabsaday cadaadiska hogaaka TFG-da lagu saaray in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe

Hasa yeeshee Wakaalada Warark Soomaaliyeed ee Warsom ay ka heshay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Garastyan Manha uu ku cadaadiyay hogaanka TFG-da in shirka lagu qabto Magaaalada Garoowe hogaanka TFG-dana cadaadiskaasi ay aqbaleen

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com