Huwanta Kufriga Soomaaliya Ku Soo Duushay Dagaalka ay Shacabku Iyo Diintuba Ku hayaan Muxuu Ku dambeyn Doonaa?

0
707

Tan iyo markii ay cagaha soo dhigeen ciida somalia cadawga huwanta kufriga ah 06/03/2007 waxey xasuuq iyo burburin ku hayeen hantida iyo nafta somalida iyagoo ku jira godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa waxeyna ku andacoon jireen in ay yihiin nabad ilaaliyaal aan dagaal galeyn

waxaase arintaas qeylo dhaan ka muujiyey oo af labadi yeerey kooxda gaala raaca magaca iyo muuqaalka somaali ka sheegta balse aan aheyn ee lagu sifeyn karo magaca dunida ugu qaraar isla markaana ay diinta islaamku meel dhigtey hadey tahey aduun iyo aakhiraba iyagoo safaro badan iyo juhdi ku bixiyey in lala laayo shacabka aan waxba galabsan ee dhulkoodi loogu yimid

hadaba waxaa isweydiin mudan waxa ay huwanta kufrigu ku danbeyn doonaan marka loo dhigo tab iyo xeelad aysan ogeyn loogana baxo meelo ku dhaw godadkii ay shacabka ka duqeyn jireen iyadoo looga jeedo xeelad dagaal marka ay godadka kasoo bax aan oo gudaha u soo galaan caloosha dadki ay dhibaatada u geysteen waxaa la filan karaa oo keliya in la feento dibna leysu weydiiyo halka ay mareen raq iyo raadkoodna la waayo insha allah.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953