بسم الله الرحمن الرحيم
Wararka Soomaaliya
Dagaalkan ayaa yimid kamib markii Xalay Mujaahidiinta Al-shabaab duullaan culus ay ku qaaden Xarunta Madaxtooyada waxaana kadib saaka Duullaan kaasi la mid ah Qaaday Ciidamada Shisheeye ee duulaanka ujooga Muqdisho.
Waxaana Dagaalka xooggiisa uu saakay ka dhacay Aagga Degmada Boondheere halkaasi oo la sheegayo in Qasaaro xoogan uu soo Gaaray Ciidamadii Shisheeye ee Weerarka Qadday Iyagoona ku Fashilmay Qorshihii Duulaan ee saakay soo Qaadeen Waxaana Haatan ku sugan Goobihii Dagaallada ka dhaceen Cutubyo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaalkan saakay ka dhacay isgoyska Boondheere ayaa waxa uu imaanaya xilli maal-mihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho Dagaallo culus ay ku dhexmarayeen Mujaahidiinta Al-Shabaab Iyo Ciidamada Shisheeye oo taageeraya Ciidamada Callala Uusta Soomaaliya.
(
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641





