warar goor dhaw soo saareyn masuuliyiin ka tirsan midowga reer yurub ayaa waxa ay sheegayaan in ay joojin doonaan qarashaadka taakuleyna ah ee ay la garabtaan yihiin dowlada TFG-da iyo ciidamada shisheeye ah ee ku sugan gudaha magaalada muqsiho hadii masuuliyiinta ugu sareysa dowlada TFG-da ay diidaan in ogaladaan doorashada madaxtinimo ee lagu wado in ay dhacdo bisha 8-aad August ee sannada 2011.
midowga reer yurub taageerada ay siyaan dowlada TFG-da iyo ciidamada shisheeye ayaan ku koobneyn oo kaliya mid dhaqaale balse waxaa kaloo jira tababaro ay u sameeyaan ciidamada dowlada TFG-da iyo qalab meleteri oo siyaan ciidamada shisheeye iyo kuwa TFG-da.
si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo baxay xafiiska midowga reer yurub ayaa waxaa uu walwal xoogan ku abuurayaa madaxweyne Shariif iyo ra’isulwasaare Farmaajo oo iyagu si weyn u diidan doorasho madaxtinimo in ay dhacdo bisha 8-aad August ee sannadan 2011.
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641