Barre Hiiraale oo muddo ka badan 45 cisho oo u qafaalan dowladda Cadowga ee Eithopia ayaa laga soo deyrinayaa Xaaladiisa Caafimaad iyo mida nololeed mana jirta wax ay u qabteen hogaanka TFG-da uu ka tirsan yahay Barre Hiiraale waxaana horay baaqyo u jeediyay Odoyaasha ku beesha ah Barre Hiiraale oo ugu baaqay Dowladda Cadaowga ah ee Eithopia in ay soo daayaan Barre Hiiraale
Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya qafaalka K/Barre Hiiraale ee dowladda Cadowga Eithopia ay ku heysato
Warar ay heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com ayaa sheegaya in Barre Hiiraale loo heysto dilkii Mujaahdiinta Al Shabaab ay u geysteen horjoogaha Kooxda Ahlu Sunah ee gobolka Gedo Xasan Qoryooley oo ay ku eedeenayaan ayaga in uu ka dambeeyay Korneen Barre Hiiraale
Halka Warar kalana ay sheegayaan in Barre Hiiraale uu dharbaaxay horjoogaha ciidamada Cadowga Eithopia ee ku sugan qeybo ka tirsan gobolka Gedo
K/Barre Hiiraale ayaa wuxuu ka mid ahaa qabqablayaashii dagaalka waxaana hada markii la qafaalayay uu ka tirsanaa xildhibaanada TFG-da waxaana la yaab leh in xildhibaan ka tirsan TFG-da oo ay qafaalatay Dowladda Cadowga ee Eithopia ayna ka hadlin hogaanka ugu sareeya TFG-da oo sheeganaya Dowladnimo
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
*(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)





