Khilaaf Sababay In Lagala Wareego Gacan Ku Heynta Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo Oo Soo Kala Dhexgalay Horjoogayaasha TFG-da Ee Gobolka Gedo

0
261

 Khilaafkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii horjoogayaaal ka tirsan TFG-da ay isku maan dhaafeen qaabka loo bixinayo lacago yar oo la siin lahaa ciidamada TFG-da ee ku sugan Deegano yar oo ka tirsan gobolka Gedo.

Deegaanka Buuzaar oo u dhow Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaas oo la sheegay in goobtaasi ay gaareen ka dib markii ay faarujiyeen maleeshiyaad halkaasi ku suganaa.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ciidamada Dowladda ay faarujin doonaan goor dhow deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo ka dib markii uu cirka isku shareeray khilaafaadka u dhaxeeya horjoogayaasha TFG-da ee Gobolka Gedo.

Waxaana deegaanka Buuzaar iminka gacanta ku haaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

Khilaafka horjoogayaasha TFG-da ee gobolka Gedo ayaa waxa uu imaanayaa xilli dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamda Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Kuwa Ethopia iyo TFG-da oo isku dhinac ah

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)