Horjoogaha Warfaafinta U Qaabilsan Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay In Saldhigyo Ay Ku Leeyihiin Suuqa Bakaaraha Mujaahidiinta Al-shabaab Kulana Baaqay In Suuqaasi Laga Guuro

0
89

Xilli Maalmihii ugu Dambeeyay Duqeen Arxandaro ah Ay Ka Geesanayeen Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Ciidamada Shisheeye ayaa maanta ciidamada shisheeye afahayeenkooda Baadha Akundhan Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Waxa Uu Ku Sheegay In Saldhigyo Ay Ku Leeyihiin Suuqa Ganacsiga Ugu Weyn Soomaaliya Ee Bakaaraha Mujaahidinta Al-shabaab Asagoona ku baaqay in suuqaasi ay ka barakacaan Dadka Rayidka ah Ee Ganacsiga halkaasi ku leh Waxa Uuna Si Jees Jees ah Ugu yiri Warsaxaafadeedkiisa Suuqyo Ayaan U Sameenaynaa Ganacsatada Oo Aan Kala Kaashaneyno Tarsan

Warsaxaafadeedkaani ka soo baxy Horjooge Badha Akundha ayaa waxa uu u muuqdaa mid lagu xaalaaleysanayo Hantida shacabka muslimiinta soomaaliyeed ay leeyihiin Oo Yaala Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Maqdisho

Dhanka kale ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Akundha In Ay U Arkaan Mid Jees Jees ah Islamarkaana ay Ku Sii wadaan Duqeemaha ay Ugeesanayaan Suuqa Bakaaraha Waxayna Arintaani ku Soo Beegmaysaa Xilli Daqiiqado Ka hor Duqeemo Naxariisdaro ah Ay La Dheceen Ciidamada Shisheeye Suuqa Bakaaraha Ayadoona Maanta ay dadrayid ah Ku Shahiideen Kuwa Kalena Ay Ku Dhaawacmeen.