Cali Max’ed Nuux (Tima Jilic) Farmaajo Waxa Uu Ku Daysanayaa Taliskii Hore ee Milatariga Mana Aqbalayno”

0
432

Kulan ay isugu yimaadeen xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa waxaa lagaga hadley arrimo beryahan dhagaha shacabku ilaaween oo lagu xasuusto dawladii digteytarka aheyd kaasoo ah dadku ma shiri karaan ma banaan bixi karaan ma wada hadli karaan iyo erayo cajiib ah oo kasoo yeerey xukuumada uu hugaamiyo farmaajo

waxaana dood iyo falaqeyn kadib laga soo saarey kulanka warkan: xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed fasax ka qaadanmaayo xukuumada farmaajo iyo boolis aan dadka u dhaxeyn oo fulinaya damac gaara oo kooxi wadato.

“xisbiga mid jamhuuriga soomaaliyed wuxuu cadeynayaa in xukuumada farmaajo iyo boolis midkoodna shaqo ku laheyn is hortaag shirar mudaharaayo iwm.

“hadiiba ay arintani timaado waxaa xaq u leh w/cadaalad iyo garsoor madax banaan oo u dhexeeya kooxaha iyo xisbiyada kala afkaarta ah boolisku isaguna waa in uu noqdaa mid aan fulin dano gaar ah oo kooxi wadato uuna fuliyo amarka garsoor dhexdhexaad madax banaan hadii uu jiro.

Caburinta iyo handadaada beryahan ka imaneysa xukuumada somali ajnebiga farmaajo iyo booliska aan garaneyn waxa loogu talo galey iyo shaqadooda waxey keeni doontaa isku dhacyo iyo dagaalo hor leh waanan ka digeynaa xmjs/usrp wuxuu aduunka gaarsiin doonaa siyaasada qalafsan iyo xukun xoog ku doonka ay isku dayayaan kooxda tfgda shacabkuna jawaab cad ayuu ka bixin doonaa insha allah ayaa qoraalka lagu soo gunaanadey iyadoo uu ku saxiixnaa kusimaha m/weyne darman ahna gud kuxigenka xmjs/usrp md cali maxamed nuux timajilic

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

info@warsom.com & webmaster@warsom.com