Weriye Ka Tirsan Radio Kulmiye oo Fadeexad Iyo Been Abuur Baahsan U Geystay Ciidamada Dowladda Iyo Radio Kulmiyeba

0
683

 

Weriye Ka Tirsan Radio Kulmiye oo Fadeexad Iyo Been Abuur Baahsan U Geystay Ciidamada Dowladda Iyo Radio Kulmiyeba

 

Posted On:

Wednesday 27 April 2011

(Warsom)

Mogadishu 

Weriye Ka Tirsan Shaqaalaha Radio Kulmiye ayaa Maanta Fadeexeeyey Xarunta Warbaahinta Uu ka Shaqeynayey Isagoo Been Abuur Dhibaato Sababi Kartana uu U Geystay Ciidamada PS-ta Dowladda TFG-da

Weriye C/qadar oo ka Mid saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Dhawaanahaan Ku Soo Biiray Masraxa Saxaafadda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka Been Abuurtay Ciidamada Dowladda Isagoo Sheegay In ay Xireen Isagoon La Xirin

Sidoo Kale Markii ay Howl wadeenada radio Kulmiye ay Ka War Heleen Been Abuurkaasi oo Uu Isl C/Qadar Soo Gudbiyey Ayey Iyagoon Ka Fiirsan ka Sii Daayey Idaacaddooda In Ciidamada Dowlada ay Xireen Weriye C/Qadar

Basle daqiiqado ka Dib ayaa Waxaa Laga war Helay In warkii ay baahiyeen Radio Kulmie ee Ku Saabnaa In Ciidamada Dowladda ay Xarig U Geysteen Weriye C/qadar uu Been yahay Isla markaan Weriyaha Beenta Sheegay uu Gurigiisa iska Joogay Arintaasi Uu U Sameeyey In Ku Fadeexeeyo Xarunta warbaahinta Uu ka Shaqeynayey

Haddaba Su’aashu Waxa ay Tahay Ma Saxafiga aan Xirfadda Saxaafadda Si sare U Aqoon Miyaa Qaldan Mise Tifatiraha Idaacadda ee Ku Deg Degay warkaasi fadeexeeyey?

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)