Faras Magaalaha Muqdisho oo shisheeye ku habsadeen

0
459

Faras Magaalaha Muqdisho oo shisheeye ku habsadeen

Posted On:

Tuesday 26 April 2011 (Warsom) Mogadishu

Sanadahii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxay noqotay goob ay ku habsadeen shisheeye soo duulay ay ku habsatay gaar ahaan goobaha bilicda magaalada Muqdisho lagu yaqaano halkaas oo fariisimo ka dhigteen ciidamo shisheeye oo gaalo Afrikaan ah waxaana ka mid ah Hotelka Juba oo ay joogaan gaalo ka socoto Uganda Hotelka Curuba iyo Bangiga oo ay joogaan Gaalo kakala socota Uganda Burundi Xaruntii Murtida iyo Madadaalada ee National Theter oo ay joogaan Maleeshiyaat Soomaali ah Safaaradii hore ee Gaalada Mareekanka Golaha Shacabka isgooska Dabka, Hotelkii Makka Al-Mukarramah, Gurigii shaqaalaha iyo dhismooyinka ku hareersan oo dhan.

Waxaa sidoo kale ka mid goobaha shisheeyaha ay ku habsadeen safaaradii hore ee Masar iyo dhamaan dhismooyinka waaweyn ee ku yaal agagaarka isgooska ee KM4, Jaamacadii hore ee Umadda, Kuliyadii Jaalle Siyaad, Eela boorkii Muqdisho, Dakadii weyneed ee Caasimada, Dugsigii Tobabarka ee Xalane iyo Meelo kale oo muhiim u ah horumarka Bulshada iyo bilicda Magaalada.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 

info@warsom.com & HYPERLINK “mailto:webmaster@warsom.com”HYPERLINK “mailto:webmaster@warsom.com”webmaster@warsom.com)