Beesha Jijeele oo Hub Fara Badan Ku Wareejisay Wilaayda Hiiran

0
11

 

Beesha Jijeele oo Hub Fara Badan Ku Wareejisay Wilaayda Hiiran

Posted On:

Monday 25 April 2011 (Warsom.com) Mogadishu

Munaasabad Maanta ka Dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran Isla markaan ay isugu Yimaadeen Madaxda Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Gobolka Hiiran Iyo Odayaasha iyo Wax Garadka Beesha Jijeele ayaa waxaa Hub Fara Badan ay Beeshaasi Ku Wareejisya Masuuliyiinta Gobolkaasi

Hub ay Beeshaasi Ku Wareejisay Wilaayada ayaa Waxa ay Isugu ireen Qoryaha Loo Yaqaan AK47, BKM Iyo Sabano Waxa ay Odayaasha Beesha jijeelo ay CarabaabeeN in ay Hubkaasi Ku tabaruceen Si ay Isii Socoto Dagaalka Jihaadka ee ka Soda Soomaaliya

Sidoo Kale Oyadaasha Beeshaas ayaa Waxa ay Ugu Baaqeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab In ay Sii Xoojiyaan La Dagaalanka gaalada Ku Soo Duushay Dalkeenaa Soomaaliya

Dhanka Kale Shiikh Yuusuf Cali Ugaas oo ah Waadiga Wilaayada Hiiran ee Xarakada Al Shabaab ayaa Ka Mahad Celiyey Sida Wacan oo ay Beesha Jijeele Ugu Dhiiratay In ay Hub Sidaas U fara Badan ay Ugu wareejiyaan Wilaayada Si Loogu Difaaco Diinta Alle

Waxa Uuna Shiikha Ugu Baaqay Beelaha kale In ay Qaadan wadddada ay qaaday Beesha Jijeele Waxa uuna Timaamay In ay Tahay Wadiiqo Haboon In Lagu Daydo

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)