Kulan looga hadlayay howlgalka Midowgga Africa AMISOM ayaa shalay ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray howlaha iyo taageerida AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya.
Shirkan oo ahaa kii 25aad oo ay yeeshaan Guddiga qaabilsan howlgalka AMISOM ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha...
Warar soo baxay ayaa sheegaya in Michael Flynn oo horey u ahaan jirey la taliyiha arrimaha Amniga ee madaxweyne Donald Trump in uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda Sirdoonka dalkaasi Maraykanka ee FBI.
Mr Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kaddib markii lagu eedeyeey in...
Guddiga Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay horgeyn doona Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2018ka Ururada bulshada rayidka.
Qeybaha bulshada kulanka ka qeybgali doona ayaa lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo Qorsheynta ee golaha Shacabka ay Shacabka ugula tashan lahaayeen Miisaaniyadda dowladda...
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeeen deegaan hoostaga gobalka Barri kaasi oo lagu bartilmaameyday sida la sheegay Xarun Daacish ay ku lahaayeen Gobalka Barri.
Gaas oo sii hadlayay ayaa tibaaxay ka hor duqeymaha Mareykanka inta aysan dhicin...
Warar ka imanaya dalka Jabuuti oo ay ka socdaan wadda hadallo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegaya in labada dhinac ay halkaa ku gaareen heshiis hor dhac ah.
Wadda hadallada oo dhowr cisho halkaa ka soconaya ayaa ugu horeyn ku bilaawday tababar la xiriira xalinta khilaafaadka oo ay...
Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur islamarkaana kasoo kicitimay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, masuuliyiinta maamulka degmadaaasi iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Baydhabo.
Mukhtaar...
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhabo–gal ah ku qaaday ciidamo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan oo ku sii jeeday degmada Maxaas.
Iska horimaad culus ayaa labada dhinac waxaa uu ku dhaxmaray deegaan u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana dagaalka labada dhinac ka dhashay khasaare...
Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar looga arrinsanayo sidda laga yeelayo golaha wasiirada ka kooban 57da xubnood ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweyne Waare.
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa markiiba ka booday magacaabistan uu sameeyay madaxweyne Waare oo qaarkood waxaa...
Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garoowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo ku biiraya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidamada oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidammo laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waana heshiis horey loo...
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya.
Kulanka oo muddo Saacado ah socday, ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka...


















