Friday, August 21, 2026
Dowladda Qatar ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya ilaa 30 gaari oo o loogu talagaly ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho. Waxaa dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga oo uu ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka...
Xog-hayaha guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guiteras ayaa u magacaabay dalka Yemen Ergay gaar ah oo cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed. Ergaygan cusb oo u dhashay wadanka UK waxaa lagu magacaabaa Martin Garrix waana dibolomaasi wadamo badan ka soo...
  Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah laga soo dajiyay 11 tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhibaateysnaa dalka Libiya. Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan...
Dowladda Jarmalka ayaa xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo kooban Abdulkadir , kaa oo la tuhusan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab. Xeer ilaaliyayaasha ayaa sheegay in Abdulkadir oo 20 sano jir ah laga soo qabtay gobolka Hesse Khamiistii. Al-shabaab ayaa la sheegay in uu ku biiray sanadkii...
Waxaa soo baxaya dhaliillo loo jeedinayo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa AMISOM ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Waxgaradka iyo odayaasha gobolka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka marka ay ciidamada dowladda deegaan la wareegaanba soo dhaweeyaan, laakiin marka...
Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka. Sidookale dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyaguna...
columbus Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka. Waxaa soo abaabulay xafladan urur siyaasi ah oo ka dhisan gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xaflada...
  Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka. Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi oo muddooyinkaan dambe...
Saraakiisha Booliiska gobolka Isiolo ee Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka yimid dhinaca gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay gudaha Soomaaliya. Gaariga ayaa waxaa saarnaa...
  Itoobiya ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah kaddib markii maalintii shalay uu xilka iska casilay ra’iisal wasaarihii dalkaas soo xukumayay Shantii sano ee u danbeysay Hailemariam Desalegn. Tallaabada ayaa waxaa ku dhawaaqay golaha golaha wasiirada Jimcihii maanta sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, waxaana ay qaadan doontaa xaaladan deg...