Rabshadihii ugu xooga badnaa mudo sanado ah ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaas oo lagaga soo horjeedo Somaliland.
Dhowr qof ayaa dhaawac ka soo gaadhey rabshadahaas kuwaas oo la gaadhsiiyey isbitaalka Laascaanood oo inta badan rabshadahaasi ay ku soo gabagaboobeen.
Ciidanka booliska oo adeegsanaya Rasaas gumuc ah ayaa...
Magaalooyin Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb oo ay kala fadhiyaan mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, iyaga oo ka jawaabaya baaqa guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxaana lagu...
Midowga Africa ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan faragelinta shisheeye ee l;agu hayo Soomaaliya, kdadib kulan uu magaalada Addis-Ababa ku dhaxmaray guddoomiyaha midowga Africa iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Muse Faki guddoomiyaha Midowga Africa iyo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihin, Siyaasadda,...
Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Mudanayaasha ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada, gaar ahaan xildhibaannada ayeey su’aalahooda la...
Saraakiil Maraykana ayaa u jooga Kuuriyada Woqooyi sidii uu u suurtoobi lahaa shir madaxeed ay yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un.
Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan.
Danjirihii hore...
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in dowladda federaalka sida uu hadalka u dhigay u gaftay maamul gobolleedka Galmudug, isaga oo sheegay in aysan jirin wax lagu tilmaamay Ahlu Sunna iyo Galmudug.
Dhinaca kale waxaa ka hor yimid baaqii Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya...
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamada sare Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhusa-mareeb ayaa sheegay in ay dowladda federaalka uu uga digayo in ay soo faragaliso arrimaha Galmudug.
Wuxuu sheegay Galmudug iyo Ahlu Sunna hal maamul kaliya isku yihiin, isaga oo intaa ku darray in uu saxayo hadalkii ka soo...
Qatar ayaa gabi ahanba dalkeeda ka mamnuucday badeecadaha iyo alaabaha ay soo saaraan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee sanad ka hor go’doomiyay.
War ay soo saartay xukuumadda Doxa ayaa lagu sheegay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ee lagu iibiyo dukaamada waa weyn ee dalkaas...


















