Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.
Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo...
Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo.
Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka cagafta nooca xamuulka,...
Faah faaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka mid ka mid Darawalada ku shaqeysta gadiidka yar yare ee Mooto Bajaajka oo subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku toogtay degmada Hodan.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan uu dhacay kaddib markii askartii joogtay Barta...
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.
Madaafiicda ku dhacday degmada Wadajir oo tiro ahaan...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka...
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah dagaalamayaasha Ururka.
Sarkaalkan soo goostay ayaa la sheegay in uu ahaa wakiilkii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka lagu magacaabo Xaaji Muuse oo ka tirsan...
Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.
Shirkan waxa uu u socday beesha Garxajis oo ka mid ah beelaha Somaliland, waxaanay muddo toban cisho ah ku shiraayeen deegaanka Buurta Gacan libaax...
Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.
Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka,...
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.
Ilo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta warsom u sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhaawaca tiro ka badan Shan...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Al-shabaab iyo Daacish u dhaqmaan sidii gumeytihii oo kale iyaga oo adeegsanaya Qabiil...


















