Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay...
Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa toddobaadkan inay u noqoto billowga maalmaha doorashada,iyadoo diyaar garow xooggan oo doorashada la xiriira laga dareemayo magaalada xarunta ee Garoowe.
Galinka dambe ee maanta ayaa la filaya in guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka uu shaaciyay xubnaha Baarlamaanka cusub, kuwaaso soo dooran doona...
Madaxweynaha uu xilka ka dhammaanayo ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilli hore oo saakay ah safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay gobolka Mudug.
Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku...
Warar goor dhaw na soo gaaraya ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalkan lagu dilay meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska degmada Waaberi, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.
Wararka ayaa...
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland looga dhawaaqo liiska xubnaha cusub ee noqonaya Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ee lagu wado in ay soo doortaan madaxweynaha.
Liiska Xildhibaanada ayaa ka koobnaan doona 66 Xildhibaan oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana maalmaha soo socda ay...
Musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada.
Musharrixiinta oo afar qodob kulankooda ka soo saaray, waxaa ay ka digeen faragelin lagu sameeyo doorashada, qodobbada kulanka ka soo baxay ayaa u qornaa sida...
Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush)
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay geeriyada xildhibaan Mayow ayaa sheegay in uu u geeriyooday xannuun soo food saaray.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maleeshiyo belleed ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) oo weerarka lagu dilay isaga iyo ilaalo la soctay.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu ka soo anbabaxay degmada Maxaas isaga oo ku...
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha gobolka J/dhexe.
Wareegtada ayaa u qornayd sidan;
Magacaabista Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmeysa ayadoo gobollada Jubooyinka ay ka soconayaan abaabullo ciidan oo la doonayo in lagu xoreeyo gobolka J/dhexe oo ay si buuxda u maamusho Al-shabaab. Kismaayo ee xarunta KMG...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.
170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday hal xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada...


















