Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayeen falalka ka dhanka amniga gaar ahaan dilalka qorsheysan.
Howlgal xalay ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ayeey ku soo qabqabteen boqolaal dhalinyarro ah oo leysugu geeyay...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed...
Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe.
Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland ,Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur,...
Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha.
Dilkan oo loo adeegsaday bastoolad ayaa xalay ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha ugu mashqulka badan magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogayaal sheegeen.Wararka ayaa inta ku...
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudaan oo Kulan Kuwada Yeeshey Dalka Itoobiya Magaalada Addis-ababa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba...
Taliska ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.
Simon Mulongo oo kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in shirka laga filayo in lagu gaaro go’aamo...
Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey
Goojoogayaal ayaa u sheegay Hiiraan Online in toogashada ay ka danbeeyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado xili uu marxuumka ku sugnaa agagaarka...
Haweenka Puntland ayaa Qaylo Dhaan Ka Muujiyey Xukuumadda uu Soo Dhisay M/weyne Saciid C/llaahi Dani iyagoo Sheegaay In Dhismaha Dawladda Puntlan ay ku Qatanyihiin Hay'adaheeda Aas Aasiga ah Sida Barlamaanka Xukuumadda, Caddaaladda iyo Garsoorka,iyagoo Eedda Wada Saarey Xildhibaanada,Odayaaasha Beelaha iyo Madaxweynaha Saciid Dani.
Mid Kamid ah Haweenka Ugu Aqoonta iyo...
22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.
Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda...
Dabkan oo ahaa mid khasaare ballaaran u geystay dad danyar ah ayaa maanta ka kacay xero ku taala xaafadda Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoysaska guryahan gubtay degenaa dabka ayaa ka dhashay Koronto, taasoo keentay in ay basbellaan tiro badan oo guryo...


















