Tuesday, November 10, 2026
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony J. Blinken ayaa 15-ka bishaan  booqan doona dalka Kenya, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo. Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga...
Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada midoobay ee ku sugan gudaha Itoobiya. Afhayeen u hadlay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay xadhiga shaqaalahaas, isagoo xusay in ugu yaraan 9 kamida shaqaalaha hay'adda Qaramada midoobay iyo qoysaskooda lagu xiray Addis Ababa. Xariga...
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa tahriibayaal Soomaali ah kusoo celiyay dalka Turkiga. Tahriibayaashaan oo la socday labo doonyood oo si sharci darro ah ku galay dalka Greece ayaa waxaa saarnaa 31 qof. 14 kamid ah waxay ahaayeen rag, 14 dumar ah iyo saddex carruur ah. Dowladda Greece ayaa gabi ahaanba...
Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Soomaaliya laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay dalkaas. Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha, Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay...
Laga bilaabo galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa si guud dalka Itoobiya ooga maqan khadka Internetka, gaar ahaan baraha ay bulshadu kuwada xiriirto sida, Facebook, iyo Whatsapp. Lama oga sababta loo jaray khadka Internetka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dowladdu sababo aan wali la ogaan ay khadka u jartay. Tan...
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kumaandooska Turkiga iyo ciidamo ka socda dalka Azerbaijan ayaa ka qeyb qaatay xusuus loo sameeyay askartii Cusmaaniyiinta ee lagu dilay dagaalkii 1aad ee Adduunka. Saddexda qeybood ee ciiddanka ayaa xuskaan ku sameeyay  buurta Davraz oo gobolka Isparta dalka Turkiga, si ay...
Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen ciidamada qaranka Itoobiya, kagana soo horjeedaan fallaagada TPLF, ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya. Shacabka ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxda dagaalka kula jirta dowladda. Banaanbaxyada...
Booliiska Uganda ayaa helay bambaanooyin badan kadib howlgal ay sameeyeen ciiddanka wadajirka ah ee la dagaalanka argigixisada kuwaas oo sheegay in ay burburiyeen unugyo argagixiso kadib weeraradii ugu dambeeyay. Booliiska ayaa falkan u xiray Muwonge Yusuf, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo qaraxyadii dhawaan ka dhacay Kireka-Biira, iyo mulkiilaha guriga...
Maraykanka ayaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku booriyay in si deg deg ah lsoo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, ka hor dhammaadka 2021. Qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo hannaanka doorashada. Doorashada Soomaaliya ayay dib u...
Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda oo waraysi siiyay idaacadda BBCda ayaa sheegay in dano gaar aysan ka lahayn galitaanka Addis Ababa, isla markaana aysan ku jirin damaca ah inay xukunka la wareegaan, balse ay u dan leeyihiin oo kaliya inay ka hortagaan khatar kasta oo shacabka Tigray kaga imaan...