Tuesday, November 10, 2026
Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay shir deg deg ahaa oo looga hadlaayay amniga, kaasoo diirada lagu saaray xaalada magaalada Baledweyne oo Maanta ay ka dhaceen sadax qarax oo Ismiidaamin ah oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad weyn. Kulanka...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah, islamarkaana is xigxigay oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne. Labada qarax ayaa lasoo sheegaya in loo adeegaaday laba baabuur oo mid ka mid ah...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuuusf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka ay la wareegeen shan guri oo u kiraysnaa shabakad katirsan kooxda Alshabaab. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guryahan lagasoo saaray hub nuucyadiisa kala duwan leh. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Alshabaab u adeegsan jireen qaab...
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka batroolka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo toddobaadka shidaalka Afrika. Shirka todobaadka shidaalka Afrika oo isniinta maanta ah ka billaaban doona magaalada Cape town ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona go'aan gaarayaasha tamarta ee dawladaha, shirkadaha tamarta caalamiga...
Markab u kireysan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa soo gaaray dekadda Chornomorsk ee Badda Madow ee Ukraine. Markabkaan ayaa wuxuu Soomaaliya geyn doonaa Qamadi Yukreeniyaan ah, sida ay sheegtay wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine. Ukraine ayaa horay ugu rartay sarreenkeeda dalalka Itoobiya, Yemen iyo Afgaanistaan iyadoo...
Dowladda  Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xaqiijisay wararka sheegaya in diyaaradaha hubeysan ee ay soo saarto Turkiga ee Bayrakh dar oo xiriir la leh qoyska Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in...
Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in anay jirin sabab sharci oo mudada loogu kordhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ay dhacday muddo kordhin aan laga wada tashan. Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, sheegay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi karo...
Xisbiga Waddani ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay go'aankii ay Golaha Guurtida Somaliland mudada 2-da sanno ah ugu kordhiyeen muddo xileedka madaxweyne Biixi. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go'aanka golaha guurtidu aanu sharciyad ku taagnayn, isla markaana anay aqbalayn.   "Waxan...
Wararka imaanaya magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape town. Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere,...
Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah. Golaha ayaa kal fadhi ay saaka ku yeesheen xarunta golaha guurtida ee Hargaysa, cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha iyo muddo xileedka...